Dhaawacyadii ku jiray Isbitaalka Tamayuz ee dalka Suudan qaarkood ayaa haatan la bilaabay in loo wareejiyo Isbitaalo kale kadib markii la sheegay in Isbitalkaas uusan laheyn daryeel Caafimaad oo wanagsan.
7 ka mid ah waxaa la geeyay Isbitaal sigaar ah loo leeyahay oo ku yaalla isla dalkaasi sudan kuwaas oo la arkay in aan waxloogu qaban Karin Isbitaalkii ay ku jireen halka qof ka mid ah uu yahay mid dhaawiciisa uu liito.
30 ka mid ah dhawacyadaas waxaa la jiifiyay Isbitaalka Xaaji Saafi oo ay leedahay Nabad-Sugida Sudaan 22 kalena waxaa la geeyay Isbitaal kale si ay u helaan daryeel Caafimaad oo wanagsan sida lagu qoray Barta Gurmada Qaran.
Ugu dambeyn waxaa la shegy in dhaawacyadii la geeyay dalka suudaan qof ka mid ah oo dhaawiciisii uu liitay uu geeriyooday.