Hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.
Hawlgalka waxaa lagu beegsaday sida lagu sheegay War-saxaafadeedka dowladda goobo ay ku sugnaayeen al-shabaab, gaar ahaan degaanada ย hawdka ah.
Hadafka koowaad ee hawlgalka ayay sheegtay dowladdu inuu ahaa burburinta gawaari wadday dagaalamayaal iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.
War-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Si dhamaystiran loo burburiyay gaadiidkaas, waxaana goobtaasi lagu dilay 20 dagaalame, waa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Hoos ka akhriso War-Saxaafadeedka.