Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Shiinaha Wan Yi waxa uu hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu dhigiisa dalka somalia, Axmed Ciise Cawad kula kulmay magaalladda Pejing, oo ay kaga wada hadleen Xiriirka Labada dal iyo Xaalladda Ammaanka ee Somalia.
Wasiir Wan Yi waxa uu ka hadlay Xiriirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Labada Waddan, isagoo sheegay inay Somalia tahay Waddankii ugu horreeyey ee GeeskaAfrika oo Xiriir Diplomaasiyadeed la yeesha Shiinaha.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Somali ka mid tahay dalalkii Shiinaha ku taageeray Dib-u-soo-celintii Kursigii Dowladda Shiinaha ee Golaha Ammaanka ee QM
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Shiinaha Wan Yi waxa uu Kulankaasi ka sheegay inay Somalia ka taageeri doonaan La-dagaalanka Alshabaab iyo Dadaalka Nabadda Somalia oo soo martay sannado adag oo ay colaado ka socdeen Somalia.