Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan dalka Turkiga.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweyne Guudlaawe kala hadlay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo Maanta lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Rooble ayaa wadahadal dheer kadib Madaxweynaha Hirshabeelle qanciyay inuu ka qeyb galo Shirka Madaxda, isagoona uga ka qeyb geli doona qadka Intetnet-ka gaar ahaan fogaan aragga ZOOM-ka, maadaama uu ku sugan yahay Turkiga.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa habeen hore lagu sheegay in Maamulka uusan ka qeyb geli doonin Shirka Wadatashiga Qaran, iyagoona sababta ku sheegay in aan latashi lagala sameeyn qaboomida Shirkaas.
Sidoo kale Hirshabeelle ayaa tilmaamtay in wixii ka soo baxa Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uusan quseyn Maamulka, hayeeshee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xaliyey tabashada Hirshabeelle.
Madaxda maamulada dalka sida Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyagoona ka qeyb galaya Shirka oo Maanta ka furmaya Teendhada Afisyooni, kaasi oo looga hadli doono dardar-gelinta heshiiskii laga gaaray doorashada dalka.