Dowladda Armeniya ayaa xaqiijisay inay ciiddamo ka socda Raashiya soo gaareen gudaha dalkeeda, kuwaasi oo  gacan ka geysan doona sugida Amaanka ee  Xuduudka Armenia la wadaagto dalka Azerbejaan.
Ciiddanka Cusub ee Raashiya waxay saldhig ka dhigteen Gobalka Tafuush oo ku yaalla Waqooyiga dalka Armeniya.
Tallaabadaasi ayaa timid, hal isbuuc kadib, markii uu RW Armenia, Nikol Pashinyan uu Dowladda Raashiya ka codsaday Kaalmo Milliteri, iyadoo uu labada dal ka dhexeeyo Heshiis dhanka Ammaanka.
Dowladda Raashiya waxay horey Heshiis u kala dhex dhigtay dalalka Armeniya iyo Azerbajaan, oo ay Ciiddankooda horey ugu dagaalameen Gobalka Nagoora Karabakh.