Wasiir Beyle oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Safiirka Mareykanka ee Somalia Amb. Donald Yamamoto.

Wasiir Beyle iyo Safiirka Mareykanka ayaa ka wada hadlay hawlaha dib u habaybta Maaliyada dalka iyo horumarka laga sameeyay Barnaamijka deyn cafinta ee IMF ay hormuudka ka tahay Wasiiradda Maaliyadda Xukuumadda.

Ambassador Yamamoto ayaa sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ku bogaadiyay Hindse sharciyeedyada dhaqaale ee dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka meelmariyay ay ka mid yihiin, kan Iibka Qaranka iyo furdooyinka.

“Barnaamijka deyn cafinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka waa mudnaanteena kowaad si aan dalkeenna iyo dadkeena u gaarsiino horumar wanaagsan iyo barwaaqo” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media