Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay si xooggan u cambaaraynayaan weerarkii habeen hore lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha Degmadda Dayniile ka deggan yahay magaalladda Muqdsiho.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar ayaa lagu sheegay inay Dowladda Qatar mar kale ku celinayaan sida ay uga soo horjeedaan Colaadaha iyo falalka kale ee sababi kara waxyeelladda.
Hadalka Qoraalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar waxaa lagu sheegay inay ka tacsideynayaan qoyska haweeneydii ku geeriyootay qaraxaasi, waxayna dadkii ku dhaawacmay u rajeeyeen soo-bogsasho degdeg ah.
Weerarkii lagu qaaday Hoyga Guddoomiyaha Degmadda Dayniile, Maxamed Abuukar Cali “Jacfar†uu ka deggan yahay Degmadda H/Wadaag waxaa ku geeriyootay haweeney, halka 2 ka mid ah Ilaaladiisa lagu dhaawacay.