Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan Magaalada Paris ayaa booqday safaarada Soomaaliyeed ee dalka Farasniiska.
Mudane Xasan Cali Khayre oo afaaradda kula kulmay diplamaasiyiinta ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka.
Dowladda ayaa dhawaan waxa ay dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka, waxaana qorshuhu yahay in la horumariyo dhismooyinka safaaradaha dalalka caalamka