Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay ayaa xayiraadii dhawaan dowladda saartay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Shariif Sh. Axmed.
Guddoomiye Suleymaan oo la hadlay Tv-ga Universal ayaa waxaa uu ku dheeraad ka hadlay safarkii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ay ku tageen Magaalada Baladweyne, isagoon xusay in dhibaato dheeraad kadib halkaas ay gaareen.
Isaga oo sii hadlaayay Suleymaan ayuu sheegay in Ujeedka laga lahaa diyaaradii Baladweyne u raaceen ay aheyd in Shidaalka goosato, isla markaana la waayo in ka badan 50 qof oo isugu jiray Madaxweyneyaashii hore iyo Mas’uuliyiin kale oo qaarkood ku jira dowladda.
Sidoo kale Guddoomiye Suleymaan ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay dhibaatadii loo geystay Madaxdii dhawaan Gurmadka geysay Magaalada Baladweyne, isla markaana cid kasto oo arrintaas ku lug leh Maxkamad la tiigsan doonaan.
“Xukuumadda waxay damacsaneyd in diyaaradda shidaalka goosato oo madaxdii hore iyo xildhibaanada la socotay halkaa lagu waayo qatar baa nala geliyay, waa la ogyahay 2 saacadood wax ku dhaw ayaan hawada ku jirnay waxaana diyaaradda loogu talagalay iney 45 daqiiqo ku caga dhigato Beledweyne.” ayuu yiru gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran, Suleymaan Maxamuud Xaashi.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu ka hadlay Digniintii Cusleyd ee uu Sheekh Shariif Sh Axmed u diray dowladda Federaalka, taasi oo aheyd in dowladda hadii ay joojin weydo dhibaatada Magaalada Muqdisho laga saarayo.
Waxloo uu tilmaamay Suleymaan Maxamuud Xaashi in hadalka Sheekh Shariif uu yiri laga soo qaatay erayo gaar aa, si loogu qariyo xayiraadii dowladda ku sameeyay Madasha Xisbiyada Qaran.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran ugu baaqay in Madaxda dowladda inay ilaaliyan Dustuurka dalka, sidoo kalena aysan ku xadgudbin Madaxdii hore ee dalka oo soo qabtay shaqo adeg.