Dowladda Masar oo si kulul uga hadashay weerarkii lagu qaaday Buula Gaduud

Dowladda dalka Masar ayaa si kulul u cambaareysay talaabadii Shabaab ay ku weerareen Xero ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka Buulo-Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa la sheegey in Xukuumadda Qaahira, ay siweyn u dhaleeceynayso, weerarkaasi oo  Shabaab ku qaadeen ciidamada Dowladda ee ku sugan Jubbada Hoose.

Bayaanka ay soo saartey Dowladda Masar ayaa lagu muujiyay in Masar ay ixtiraamayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Masar, islamarkaana ay garab istaagayso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Arrimahani ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayay ay booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi Masar, halkaasi oo ay heshiisyo kula soo galeen madaxda dalkaasi.

Xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ah mid soo jireen ah,waxaa sii xoojinaya Soomaaliya oo xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta oo xaruntoodi ku taalo magaalaad Qaahira ee Caasimadda dalkaasi Masar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media