Guddoomiyaha Gobalka Mandrea, Fredrick Shisia ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay uga guuleysan la’ yahay Hawlgalladda Alshabaab tahay iyadoo dadka Deegaanka ee Reer Mandera warbixino u gudbiyaan Xarakadda Alshabaab.
Fredrick Shisia oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa sheegay in Dagaalamayaasha Alshabaab ka soo gudbaan Xuduudka Somalia marka ay helaan Warbixino si ay Hawlgalo uga fuliyaan gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
“Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Bishaaro Hotel waxaa fuliyey dad ku dhex nool Mujtamaca Mandera” ayuu sii raaciyey Fredrick Shisisa.
Guddoomiyaha Gobalka Mandrea, Fredrick Shisia waxa kale oo uu ku eedeeyey qaar ka mid ah Ganacsatada inay bixiyaan Kharajka ay Alshabaab ku fuliyaan Hawlgalladda ay ka geystaan gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
Wargeyska The Star waxa kale oo uu qoray Tan iyo sannadkii 2012-kii, inay magaalladda Mandera ka dhaceen 14 Weerar oo lagu dilay in ka badan 100-qof, iyadoo 90% dadka la dilay ahaayeen Dad Kirishtaan ah iyo kuwo aan u dhalanin Deegaanka.
©Radio Dalsan