Hay’adda Samafalka ee Golaha Qaxootiga Norway “The Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay inaysan Dowladda Kenya dhowrin Heshiiska Caalamiga ee Qaxootiga, isla markaana ay si khasab ah ku celinayaan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab.
“Qorshaha Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ma aha gaarsiin Heer Caalami” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Hay’adda NRC, Jan Egeland.
Wuxuuna intaasi ku daray inaysan Dowladda Kenya wax jawaab u haynin sababaha loo banaynayo Xeradda Dhadhaab oo Hoy u ahayn Boqolaal kun oo Qaxooti u badan Soomaali.
Xoghayaha Guud ee Hay’adda Samafalka ee Golaha Qaxootiga Norway waxa uu sheegay inay Dowladda Kenya ku muteysan karto Dembi tallaabadda ay sida khasabka ah ugu celinayaan Qaxootiga ama Magan-gelyo-doonka.
Waxa uu intaasi ku daray in cadaadiska lagu riixayo in ka badan 280,000 oo Qaxooti ka diiwaan gashan Xeradda Dhadhaab inay horseedi karto Maamul la’aan ku timaada dadkaasi dib loogu celinayo Somalia.
Qaxootiga ayaa ku soo laabanayo Somalia oo ay horey ugu dhibaataysnaayeen in ka badan Hal milyan oo qof oo laga barakaciyey guryahooda iyo shan milyan oo aan cunto ku filan haysan, iyadoo ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka weli dagaal kula jiraan Xarakadda Alshabaab.
Hay’adda UNHCR iyo Human Rights Watch ayaa horey si kulul u cambaareeyey Qorshaha ay Dowladda Kenya sida khasabka ugu celinayaa Qaxootiga Soomaalida, iyadoo Hab-dhaqankaasi qaldan khatar ku yahay Heshiiska Caalamiga ee Qaxootiga ee la saxiixay sannadkii 1951-kii ee (The 1951 Refugee Convention).
©Radio Dalsan