Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto qabteen Ninkaasi oo lagu magacaabo Jaabir Albakar, kaasi oo la rumeysan yahay inuu geysan lahaa qaraxyo.
Ninkaasi oo Qaxooti ahaan sannadkii hore isaga dhiibay Jarmalka ayaa waxaa lagu qabtay magaalldda Leipzig ee Bariga dalkaasi.
Boliska waxay sheegeen inay dhowr boqol oo garam oo waxyaabaha qarxa ka heleen Dhismaha uu Ninkasi ka degganaa duleedka magaalladda Jementiz.
Khubarada waxay sheegeen in Kiimikadaasi oo loo yaqaano TATP horey loogu isticmaalay qaraxyaddii lagu hoobtay ee ka kala dhacay Caasimadaha dalalka Faransiiska iyo Beljimka.
©Radio Dalsan