Dowladda Itoobiya oo Safiir Cusub u soo dirsatay Soomaaliya

Dowladda Ethopia ayaa Soomaaliya u soo dirsatay Safiir Cusub, kaasi oo beddalay Safiirkii horay ugu joogay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaardda Arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safriika Cusub ee Dowladda Ethopia u soo dirsatay Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware.

“Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Ethiopia H.E Mukhtar Mohamed Ware” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo qoraal soo saaray.

Wasiirka ayaa sheegay in xiriir dhanka dadka ah iyo Iskaashi dhinacyada Ammaanka, Socdaalka,  ganacsiga iyo Diblumaasiyadda caalamiga ah uu u dhexeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dalka Ethiopia waxaan wadaagnaa xudduudda ugu dheer ee aynu la leenahay dalalka deriska ah, waxaana nagala dhaxeeya xiriir dhanka dadka ah iyo Iskaashi dhinacyada Ammaanka, Socdaalka,  ganacsiga iyo Diblumaasiyadda caalamiga ah. Waxaan rajaynayaa in danjiraha cusubi sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee labada dal”ayuu ku yiri Qoraalkiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor