Wararka naga soo gaaraya  Caasimadda Gobalka Gedo ee Garbahaarey ayaa waxay xaqiijinyaan in Sarkaal ka tirsan Milliteriga Ethiopia uu xalay isku daldalay Saldhigga ay Askarta Ethiopian-ka ku leeyihiin magaalladaasi.
Sarkaalkasi ayaa la sheegay in loo diiday Fasax 30-maalmood, oo uu ku tegi lahaa dalkiisa hooyo, si uu u soo booqdo Reerkiisa oo uusan sannooyin badan ka soo maqnaa.
Sarkaalkaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa iska soo lalmiyey xarig uu ku xiray Saqafka Sare ee Qol ka mid ah Xafiisyadda Saraakiisha Milliteriga ee Saldhigaasi.
Dowladda Ethiopia ayaan weli ka hadlin Askariga isku daldalay Gobalka Gedo, mana kala cadda inuu Askarigaasi qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM ama uu ka mid ahaa Ciiddanka Ethiopianka ee aan hoos tegin Hawlgalkaasi.
Dhinaca kale, maydkaasi Sarkaalkaasi ayaa la keenay magaalladda Baydhabo, waxana la qorsheynayaa in loo duuliyo magaalladda Addis Abeba.
©Radio Dalsan