Madaxweyne Xasan Sheekh oo si degdeg ah looga saaray teendhada Afisyooni

Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga saaray hoolka shirrarka ee teendhada Afisyooni oo uu ka furmayay Shirka Qaran ee Waxbarashada Soomaaliya.

Sida ay ku soo warramayaan goobjoogayaal ku sugan gudaha hoolka shirka waxaa uu dab ka kacay qayb kamid ah teendhada, taasoo keentay in kooxda amaanku ay madaxweynaha si kumeel gaar ah uga saaraan hoolka, iyadoo markii dambe lagu guuleysatay in la bakhtiiyo dabkii kacay.

Lama soo werin wax khasaare ah oo uu dabku gaystay.

Markale ayay bilaabeen ka qaybgalayaasha shirka inay dib ugu soo laabtaan hoolka, iyadoo la filayo in goordhow madaxweynuhu isna ku soo laabto.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor