Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa waxaa amar loogu bixiyay in lagu soo xiro Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed,kaasi xilka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Yuusuf Dabageed ayaa waxaa la sheegay in loo heysto Dembiyo kala duwan uu horey u galay,isla markaana waxaa amar ku bixiyay ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Hirshabeelle inay la soo xiro Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare Cabdi Waare ayaa waxaa xilkii looga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed,iyadoona Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan loogu magacaabay inuu noqdo Cali Maxamed Caraale.