Faah Faahin: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax barqanimadii maaanta Ciidanka Dowladda iyo Wariyeyaal lagula beegsaday Gobolka Hiiraan , Xilli ay marayeeen deegaan lagu magacaabo Qabno oo hoos tagta degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana laga deyrinayaa xaaladda dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi, oo lala beegsaday Gaari Nooha ah oo Qaraxu uu haleelay.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa lala bartilaameedsaday Kolonyo gaadiid ah oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyooday Qaraxaasi, waxaana dhaawacyo Culus soo gaareen tiro intaas ka badan, Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Tvga HirShabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka HirShabeelle ayaa ka mid ah dadka ku  dhaawacay qaraxaaasi.

Dhaawacyada ayaa waxaa la gaarsiiyay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhaawacyada Culus loo soo qaadi doono Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor