Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Wareysi uu waxyaaba badan uu kaga hadlay Wakaalada wararka Reuters ku siiyay Abu Dubai ayaa ku sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidamada Booliska iyo Milateriga Somaliland islamarkaana arintaan ay soo dadajiso in la dhameystiro Heshiisyo dhinacyo badan ah oo ay horay u wada Gaareen Soomaaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.
Imaaraadka Carabta ayaa tababaraya Ciidamada Somaliland, kaas oo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Carabta ka sameynayo Berbera ee Soomaaliland ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi oo sii wadata wareysiga arimaha Tababarka Ciidamada Soomaaliland Imaaraadka Carabta ay ka helayaan
Goobta Wareysiga looga qaadayey Madaxweyne Muuse Biixi ee uu ku sheegayey in Imaaraadka Carabtu ay tababareyso Ciidamada Maamulka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugnaa Masuuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka waloow sida wakaaladdu ay sheegtay ay diideen inay arinta Mr Biixi uu kala hadlay ay ka hadlaan.
Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay faragalin la sheegay in dowladda Imaaraadku ay ku hayso Soomaaliya ayaa hadda Taagan,waxaana Baarlamaanka Soomaaliya ay qaraarro isku mid ah ay kasoo saareen heshiis Maamulka Soomaaliland Ehtiopia iyo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadku ay ku qaybsanayaan daqliga dekadda Magaalada Berbera.