Kadib kulan bilo qaatay oo dhax-maray Maamulka degmada Luuq,Culuma’udiinka iyo dadka deegaanka ayaa lagu go’aamiyey in wax ka badal lagu sameyo arinta Guurka la xariirta.
Guddoomiyaha degmada Luuq maxamed Xuseen oo la hadlay idaacadda Dalsan Kadib go’aanka Maamulku soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka iyo xubnaha degmada ku nool ee kulmay ay isku afgarteen in la dhimo qarashaadka ku baxa arooska taasi oo uu sheegay inay sababaan in dadka sida qarsoodiga ah isku guursanaya inay soo badanayaan.
Waxyaabaha uu maamulku arintan kasoo saaray ayuu ku sheegay ina tahay xoolaha arooska ku baxaaya oo dhawr waqti oo kala duwan la qalo iyo lacagaha Meherka oo kumaan dollar ah oo wax aa laba boqol oo dollar ka badneyn lagusoo koobay.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in cid walba oo doonaysa inay isguursadaan ay yimaadaan xarunta Maxkamadda degmada Luuq.
Waa dagmadii labaad oo ka tirsan Gobolka Gedo oo Maamulka ka taliyo uu amar kasoo saaro arimaha guurka ku saabsan,waxaana horay amar Guurka ku saabsan loo duldhigay shacabka degmada Balad-xaawo ee isla gobolka Gedo.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Degmada Luuq.