Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, Jesn-Yaves Le Darain ayaa isagana sheegay inuusan weli dhimanin Heshiiskii Caalamiga ee Barnaamijka Nukliyerka Iiraan.
Wasiirka oo la hadlay Idaacadda RTL RADIO ayaa sheegay inay Dowladda Faransiiska ka goรขโฌโขan tahay in la adkeeyo Heshiiskaasi, iyadoo Iiraan lagu ammaanay Dhaqangelinta Heshiiskii la gaaray sannadkii 2015-kii.
Wasiirka Maaliyadda ee Faransiiska, BURUNO LE MAYRE ayaa sheegay inuu Goรขโฌโขaankii Trump ahaa mid qaldan, isla markaana aysan Maraykanka isku arkin inay yihiin Boliska Dhaqaalaha Caalamka.
Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emanwal Makroon ayaa la filayaa inuu goor dambe oo maanta ah la hadlo dhigiisa dalka Iiraan, Xasan Ruuxaani.
Dhaqdhaqaaqyadan Diplomaasiyadeed ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweyne Donald Trump shaaciyey inuu dalkiisa ka baxay Heshiiskii Caalamiga ee Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ee la kala saxiixday sannadkii 2015-kii.