Denmark oo Kaalmo Dhaqaale ugu yaboohday dadka ku macluulsan Somalia.

Wasiirka Horumarinta ee Denmark, Ulla Tørnæs ayaa sheegay inay ku yabooheen 125 million oo Kroner  si wax looga qabto dadka ku macluulsan Somalia, South Sudan iyo Yemen.

Waxay intaasi ku dartay in Kharjkaasi maamuli doonaan 6 Hay’ado Samafal oo laga leeyahay Denmark oo ka hawlgla Geeska Afrika, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Caritas, Dansk Røde Kors, Folkekirkens Nødhjælp, Red Barnet iyo Adra.

Kaalmadda cusub ee ay Denmark ku yabooheen ayaa waxa Somalia loo qoondeeyey 23 million oo Kroner, South Sudan 47 million Kroner iyo Yemen 55 million Kroner.

Bishii la soo dhaafay, Dowladda Denmark waxay ballan qaaday lacag dhan 300 million kroner, si loogu deeqo dadka ku macluulsan dalalka Somalia, South Sudan iyo Yemen.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media