Qaxooti Soomaali oo dhowr jeer ku guul-daraystay inuu helo Dhalashadda British oo la xukumay

Ahmed Ali, oo 34-jir ayaa lagu soo oogay inuu dhowr jeer magacyo been ah kaga qeyb galay Imtixaano si uu ku helo Dhalashadda dalkaasi “The British Citizenship)

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu 4 jeer Imtixaanaadkaasi ku galay Xarumaha UK test Centers ee magaallooyinka Liverpool, Slough, Croydon iyo  Ilford muddo hal sanno gudaheeda, wuxuuna isticmaalay Dukumentiyo la been abuuray sida Dukumentiga Safarka ee UK iyo Baasaboorka Somalia.

Eedeysanaha oo ah Aabe  5 carruur haysta  waxa uu dalka Britain qaxooti ahaan ku galay sannadkii 1994-kii, isagoo isticmaalay  Aqoonsiyo kla duwan.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Maxkamadda  Croydon Crown Court , Andrew Ramsubhag ayaa sheegay in Eedeysanaha lagu helay Eedeymo muuqda, isla markaana uu ku xukumay Xabsi 32 bilood ah.

Dhinaca kale, Qareenadda u doodaysay Eedeysanaha oo lagu magacaabo Sally Lakin ayaa sheegtay inuu Ahmed Cali isku buuqsan yahay, isla markaana ay saamayn ku yeesheen Dhacdooyinkii mahadhada leh ee uu Goobjoogga u soo ahaa Dagaalladii sokeeye ee  Somalia ee uu ka soo cararay bilowgii sannadihii 1990-aadkii.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media