Maydadka Tahriibayaal gaajo iyo haraad u dhintay oo laga helay meel ka baxsan Xeebaha Libya.

 

28 Tahriibayaal oo ay ku jireen 4 haween ah ayaa laga helay dooni sabaynaysay meel ka baxsan Xeebta Degmadda Sabratha ee dalkaasi.

Axmeyda Khaliifa Amsalaam oo ah Taliye ka tirsan Wasaaradda Ammaanka ee Libya ayaa shealay sheegay inay Maydadkaasi u geeriyoodeen Haraad iyo Gaajo, kadib, markii ay Doonidii ay la socdeen cillad ku qabsatay meel ka baxsan Badda Libya.

Nin Kalluumeysato ayaa la sheegay inuu doonida maydadka saarnaa u soo jiiday Xeebta, wuxuuna sheegay inuu matoorka doonida ka jabay.

Lama aqoonsanin  dalalka ay ka soo kala jeedaan maydadka Tahriibayaashaasi ku haminayey inay mar uun gaaraan Xeebaha Talyaaniga.

Dhinaca kale, ugu yaraan 900 Tahriibayaal ayaa ku geeriyootay Badda sannadkan, kuwaasi o odoonayey inay ka gudbaan Badda Mediterranean Sea, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media