Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo wafdi ka socda dowladda Mareykanka, si ay uga wada hadlaan duqeyntii diyaaradaha Dagaalka dalka Mareykanka, ay ku dileen 22 askeri oo ka tirsaan ciidamada Maamulka Galmudug.
Mareykanka ayaa sheegay in uu baarayo sax ahaanshaha dilka askarta ciidamada Maamulka Galmudug.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa war ka soo saaray duqeyntii Mareykanka uu ku beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, iyadoo walaac looga muujiyay duqeynta.
War murtiyeed ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa waxaa ku saxiixnaa Ra’iisul Wasaaraha kuxigeenka, iyadoo loogu tacsiyadeeyay shacabkii iyo ciidankii ku dhintay duqeyntaas.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka dalbaday Mareykanka inay sharaxaad waafi ah ka bixiyaan duqeyntaas iyo sida weerarkaas ula socodsiiyay hey’adaha amniga Soomaaliya.