Ciidamada booliska ee ka howlgala ismaamulka Uasin Gishu ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo 35 ruux oo u kala dhashay dalal kala duwan.
Booliska ayaa sheegay in dadka ay qabteen ay ku jiraan Ajaanib gaareysa ilaa iyo 25 qof,kuwaasi oo lagu eedeeyay in  wadankaas ay si sharci darro ah ugu ganacsanayeen.
Sidoo kale waxa ay shaaciyeen laamaha booliska ee ka howlgala ismaamulka Uasin Gishu in ajaanibta ay qabteen 25 kamid ah ay u dhasheen Sudan halka kuwa kale ay u dhasheen dalalka 2 Uganda 2, Masar 2 Â dalka Nigeria.
Talliyaha booliska bariga magaladda Eldoret Richard Omanga oo xarigga ajaanibtani xaqijiyay ayaa sheegay in ay ka ganacsanayeen wadanka si sharciga baalmarsan.
Waxaa uu sheegay taliyaha in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah ajaanibta wadanka sida sharci darrada ah uga ganacsanaya.
Howlgalkan ayaa waxa uu ku soo aadan xili wasiirka amniga qaranka dalka Kenya uu wacad ku maray in dhamaan la musaafurin doono ajaanibta sida sharci darada ah ku joogo dalkaasi.