Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay dhibaatooyin ka dhacay xuduudaha dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in dhibaatooyinkaas ay ku dhinteen dad Soomaaliyeed hantina lagu bur buriyay,isla markaana falal kufsi ah loogu geystay gabdhihii ku noolaa deegaanka Balad Xaawo.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu sheegay in lala xisaab tami doono cid walbo oo ku lug leh dhibaatooyinkaas.
Dhinaca kale waxa uu ka dhawaajiyay Maxamuud Sayid Aadan in laga wada hadli doono dhibaatooyinka ka dhacaya xuduudaha dalalka Kenya iyo Soomaaliya ,kuwaasi oo loo geystay dad shacab ah.
Hoos ka dhageyso codka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland.