Booliska magaalladda Istanbul waxay gacanta ku dhigeen 32 qof oo lagu eedeynayo inay tahriibiyaan Muhaajriinta iyo inay Lacagaha ay ka helaan u xawilaan dalal kale oo aan la shaacinin.
Unug Ciiddan ah oo ka socday Waaxda La-dagaalanka Tahriibinta iyo Xuduudaha laga soo gudbo ee Turkiga ayaa la sheegay inay indhaha ku hayeen Hawlaha qaar ka mid ah Shirkadaha u shaqeeya sidii Wakaalado Socdaal iyo Dalxiis oo kale.
Ciiddankaasi waxay muddo 2 bilood ah Hawlgalo Sirdoon ku hayeen Shirkadahaasi, ka hor intaysan fulinin Hawlgalo Qorsheysan oo ay ku galeen 8 Xarumo Ganacsi oo ku yaalla Istanbuul, kuwaasi oo ay ku iraa Xafiisyada Sarrifka Lacagaha, Xawaalado iyo Dukaaman lagu iibiyo Dahabka.
Boliska Istanbul waxay kaloo tilmaameen inay Hawlgaladaasi ku soo xireen 32 qof, kuna soo qabteen Lacag cadadeedu dhamayd 8.8 million ee Liiraha Turkiga oo u dhiganta ku-dhawaad Hal million oo Dollar iyo Dukumentiyo loo adeegsaday Lacagaha la xawilay.
11 ka mid ah dadka la soo qabtay ayaa weli xiran, halka 9 kale lagu sii daayey Damiin, iyadoo 12 kalena aan weli wax Tallaabo ah laga qaadin.