Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir Xiireey Axmed Rooble ayaa magaalada Istanpul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay ku-xigeenka duqa magaalada Istanpul Mr. Mahir Polat.
Mas’uuliyiintan kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Istanpul oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa ka Arrinsaday sidii dib loogu cusbooneysiin lahaa mashaariicda dhismaha la xariira oo ay dowlada dalka Turkiga ka fulin jirtay Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya ee Muqdisho.
Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa ugu mahadceliyay dowlada dalka Turkiga iyo shacabkeeda sida hagar la’aanta ah oo ay u garab istaageen umada Soomaaliyeed, isla markaana door muhiim ah ka qaatay horumarinta bilicda Caasimadda.