Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminaya Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya James Swan, waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka, iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Madoobe sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.
Waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulamada iyo wadatashiyada la xiriira arimaha Doorashooyinka iyadoo sidoo kale la isla qiray in dalka ay muhiimad weyn u leedahay in la dadajiyo howlaha Doorashooyinka.
Beesha Caalamka ayaa maalmo kahor kulamo looga hadlaayay fulinta heshiiskii laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.