Qoraal uu Madaxweynaha la-doortay ee Maraykanka, Donald Trump soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu ku eedeeyey Wiilkii Somali-Maraykanka ee weerarka ka geystay Jaamacadda Ohio, kaasi oo dad dooxay, isna la dilay.
Donald Trump waxa uu sheegay inay ahayd inaan loo oggolaanin inuu soo galo Maraykanka, wuxuuna sheegay inay Kooxda Daacish qaadanayso Deynta dhibaatadda weerarkii Tooreyda ee Jamaacadda Ohio State University ee uu geystay Qaxooti Soomaali ah.
Madaxweynaha la-doortay ee Maraykanka waxa uu Bartiisa Twitterka ku muujiyey inuusan Cartan mudnayn in loo oggolaado inuu soo galo Maraykanka.
C/risaaq Cali Cartan waxa uu ahaa Muwaadin Somali-Maraykanka sharci Deganaansho ku leh Marauykanka, isla markaana uusan lahayn Taariikh Colaadeed ama inuu u dacaad ahaa Kooxaha Argagixisadda.
Waxay isaga iyo qoyskiisa ka soo carareen dagaalladii Somalia, waxayna sannadkii 2007-dii tageen dalka Pakistan, ka hor intaysan Qaxootinimo u tegin Maraykanka sanandkii 2014-kii.
Madaxweynaha la-doortay ee Maraykanka, Donald Trump ayaa horey u sheegay inuu xadidi doono Qaxootiga laga keenayo dalalka uu rumeysan yahay inay ka jiraan Khatarta Argagixisadda.
Donald Trump markii uu ku jirtay Tartanka Musharaxnimadda waxa uu sheegay inuu mamnuuci doono inay Dadka Muslimiinta soo galaan gudaha dalka Maraykanka.
ISIS is taking credit for the terrible stabbing attack at Ohio State University by a Somali refugee who should not have been in our country.
©Radio Dalsan