Musharaxa Mayalka Adag ee u taagan Madaxtinimadda dalka Maraykanka, ayaa hadalkaasi shalay ka jeediyey magaalladda Portland, wuxuuna xusay in ay dadka Soomaalida ka yimaadeen waxa uu ugu yeeray goobaha ugu khatarta badan Caalamka.
Donald Trump waxa uu Khudbadiisa dareen cabsi leh ku asteeyey dadka Soomaalidda ee deggan Gobalka Maine ee dalka Maraykanka, iyadoo dadka ku nool Gobalka Maine ay yihiin kuwo u codeyn jirey Musharxiinta Madaxtinimadda ee Xisbiga Dimquraadiga tan iyo sannaddkii 1992-dii.
Donald Trump waxa kale oo ku baaqay in la joojiyo dadka Soomaalida ee Maraykanka lagu keeno Mashruca Dib-u-dejinta Qaxootiga, wuxuuna kula dul dhacay Hillary Clinton oo ah Musharax Madaxweyne, isagoo ku eedeeyey inay ku baaqday in Kumanaan Qaxooti ah dib-u-dejin loogu sameeyo Maraykanka.
“Hillary Clinton waxay doonaysaa inay Boqolaal iyo Kumanaan u keento Maraykanka” ayuu yiri Trump oo u khudbaynayey dad isugu soo baxay magaalladda Portland ee Gobalka Maine.
Hadalka Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka, Donald Trump ee Cunsuriyadda ku dhisan ayaa yimid, kadib, markii uu dhawaan Weji-gabax iyo khasaaro kala kulmay Aabaha dhalay Khizir Khaan oo ahaa Sarkaal Muslim ah oo ka tirsanaa Milliteriga Maraykanka, kaasi oo lagu dilay dalka Iraq sannadkii 2004-tii.
Dhinaca kale, Baraha ay Bulshadda ku wada xiriiraan ayaa si kulul loogu cambaareeyey Siyaasadda Trump ee Cunsuriyadda leh, iyadoo horey uu u sheegay haddii uu ku guuleysto Madaxweynenimadda Maraykanka inuu dadka Muslimiinta ka mamnuuci doono Maraykanka, isla markaana uu derbi ku wareejin doono xudduudka Maraykanka la wadaago dalka Mexico.
Donald Trump waxa uu isbuucan sheegay inuu ka cabsi qabo in lagu shubto Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka, inkastoo Madaxweyne Obama beeniyey Eedeyntaasi.
Ugu dambeyntii, Sahan Cod-ururin ah oo ay shalay soo bandhigtay Hay’adda RealClearPolitics muujinayso in Donald Trump sii lumayso Shacbiyadiisa, iyadoo Musharaxa Madaxweyne Hillary Clinton kaga horreyso 6 dhibcood.
Xigasho: sunjournal.com
©Radio Dalsan