Maamulka Somaliland oo Weerar Afka ah ku qaaday Dowladda Somalia

Magaalada Hargeysa ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Golaha Wasiirada Somaliland,waxaana Shirka Guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici) iyo inta badan Golaha Wasiirada,isla markaana waxaa looga hadlay sida maamulka Somaliland uu sheegay weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale tilmaameen in dowladda Soomaaliya ku hayo Somaliland oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn,balse dedaal dheer oo Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka Sacuudiga.

Sidoo kale Golaha Wasiirada maamulka Somaliland ayaa sheegay in aad uga xun yihiin weerarrada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland.

Intaasi kadib ayaa kulanka waxaa laga soo saaray War-saxaafadeed u qornaa sidan:

Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.

Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii bareerka ahaa ee dowladda Federaalka ku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga.

Somaliland waxay si ballaaran ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dhinac.

Haddaba, Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore.

Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media