Madaxweynaha Maraykanka waxa uu Billad ugu sarreysa Boliska dalkiisa guddoonsiiyey Askari lagu magacaabo Alan Horujko, kaasi oo horey u toogtay Muwaadin Soomaali ah bishii November 28-dii ee sannadkii hore.
Marxuumka la dilay oo la oran jirey C/risaaq Cali Cartan oo 18-jir ah, kaasi oo Arday ka ahaa Jaamacadda The Ohio State University.
Ardaygaasi ayaa la sheegay inuu 13 Arday oo ka mid ahaa Ardayda ay isla dhigan jireen Jaamacadda ku dhaawac Tooreey, halka uu qaar kalena jiirsiiyey gaarigiisa, ka hor intaan isaga toogasho lagu dilin.
Muuqaal ay Dowlad-gobaleedka OHIO baahiyeen ayaa waxa uu muujinayaa iyadoo uu Askarta toogashada geystay sheegayo inuu cayrsaday C/risaaq Cali Cartan, kuna amray inuu iska dhigo Minida, balse uu isagu ku soo jeestay, kuna soo weerary Mindida, waa sida uu hadalka u dhigay.
Askarigu waxa kale oo uu tilmaamay inuu toogasho ku dilay Ardaygii mindida ku hubesynaa, inkastoo Askari awoodi kara inuu Ardayga si xeelladaysan mindiga uga dhigo, loona baahnayn inuu qaato go’aanka uu sida fudud ugu dilay Ardaygaasi.
Dhinaca kale, Munaasbadda uu Madaxweyne Trump xalay Abaalmarinta Biladda ku guddoonsiiyey Askariga lagu magacaabo Alan Horujko iyo 13 Askar oo kale waxaa lagu qabtay Aqalka Cad ee looga tlaiyo dalkaasi.
Billadda Abaalmarintaasi oo loo yaqaano Billadda Madaxtooyadda ee Valor waxaa la siiyaa Askarta iyo saraakiisha Boliska ee loo aqoonsado inay naftooda khatar u geliyaan Badbaadinta dadweynaha.