Dhageyso:Taliye Bog-madoow “Jubbaland Kalama Tashanayo inaan Shaqadeyda Ka Guto deegaanada La ii Magacaabay”

 

Taliyaha Qaybta 43-aad ee dhawaan dowladda Soomaaliya ay u magacaawday Deegaanada Jubbaland General Cali Maxamed Maxamuud ( Bog-madoow ) oo wareysi dhinacya badan taabanaya siiyey Idaacadda Dalsan ayaa si faah-faahsan uga hadlay sababtii keentay in ciidamo ka tirsan Nabad-sugidda Jubbaland ay ka celiyaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo halkaas oo jimcihii loo diiday inuu ka dago.

Waxaa uu sheegay in falkaas ay kula dhaqaaqeen ciidankaasi uu yahay mid ka hor imaanaya dowladnimada dalka ka hana qaadday uuna ka xunyahay sida ay wax u dhaceen.

“Falka dhacay maahan wax ku haboon dowladnimada Aniga iyo Saraakiil kale oo ila socotay markii ay garoonka caga dhigatay diyaaraddii na wadday intaanan ka dagin waxaa noo yimid labaatan wiil oo askar ah oo aysan la socon wax masuuliyiin,waxayna noo sheegeen in aanan ka dagi Karin diyaaradda anaguna sidii ayaan yeelnay oo Garbahaarrey ayaan u duulnay,waxaana kuu sheegayaa in bartilmaameedku uu aniga ahaa” ayuu yiri Taliye Cali Bog-madoow.

Taliyaha ayaa sheegay in uusan ogeyn cidda bixisay amarka lagu hor istaagay dowladda Soomaaliya oo magacaawday iyo Maamulka Jubbaland wax masuuliyiin ah oo ka tirsan ayuu sheegay inaysan wali kala hadlin arinta garoonka loogu geystay,kadibna uu safarkiisa u weeciyey deegaanada dhaca Gobolka Gedo halkaasna uu kusii shaqeynayo oo xarunta taliska ee Kismaayo loo wareejinayo.

Idaacadda Dalsan ayaa weydiisay Taliye Cali Bog-madoow sida uu ugu shaqeynayo Taliskiisu deegaanada Jubbaland mar haddii maamulkii meesha ka talinayey uu ka hor yimid,waxaana uu sheegay in Maamulka Jubbaland ee ee hoggaamiyo Axmed madoobe aan laga tashaneynin in deegaanadaas saraakiisha Taliska qaybta 43-aad ee CXD ay waajibaadkooda ka gutaan deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Jubbaland ayuu ku eedeeyey dib u dhigidda deegaanada gacanta ugu jira islamarkaana aan laga yeeli doonin hab-dhaqanka uu ku tilmaamay maleeshiyonimada isaga oo ah taliyaha qaybtana uu dhawaan markuu xilka la wareego shaqadiisa uu bilaabayo,Xarunta Taliska Qaybta oo hadda ku taalla Kismaayo ayuu sheegay in loo wareejinayo Gobolka Gedo.

Hadalka Taliyaha ayaa Imaanaya iyadoo Jimcihii amar kasoo baxay madaxda sare ee Jubbaland loogu diiday inuu tago Magaalada Kismaayo kadib markii Madaxda Jubbaland ay sheegeen inaan lagala tashan magacaabiddiisa.

 

Hoose ka Dhageyso Wareysiga Taliye Cali  Bog-madoow oo Dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor