Diyaaradda Turkish Airlines oo saaka ka soo degtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Maalmo kadib Diyaaradda Turkish Airlines ayaa kas oo degtay Garoonka Diyaarahada Aadan-Cade ee Magaalada muqdisho kadib markii mudo Sadax jeer ah ay ku degiweyso Garoonka sababo la xiriira dabeylo ka jira Garoonka.

Illaa afar diyaaradood oo Turkish Airlines ayaa saaka si kala gaar ah uga soo degtay garoonka, kuwaasoo waday rakaabkii dib u dhaca ku yimid afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Diyaaradahaan ayaa laba kamid ah waxa ay ka yimaadeen Magaalada Mombasa ee dalka kenya halkaas oo ay ka soo qaadeen dad wayadahan halkasi ku xayirnaa lagana keenay dalka turkiga.

Hey’adda Maareynta Hawada ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay door ku aadan dhanka saadaasha hawada ka qaadatay, sidii diyaarada Turkish Airlines ay u soo caga dhigato garoonka.

Sikastaba diyaarada Turkish Airlines ayaa Shaqadeedii caadiga aheyd haatan dib u bilaawday iyadoo Garoonka ay ka soo galeyso dhanka Badda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media