Dhageyso:-Nin hubeysan oo dad ku laayay degmada Cabudwaaq

Nin hubeysan ayaa weeraray Goob dad barakacayaal ah  loogu qeybinayay raashin Gargaar ah oo ku taalla qeybo kamid ah degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo kamid ahaa ilaalada Goobta raashinka lagu qeybinayay ayaa geeriyootay halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo isugu jira ilaaladii goobta iyo dadkii raashinka loo qeybinayay oo kamid ahaa dad ku soo barakacay degmada Cabduwaaq sida uu radio Dalsan u sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Cabudwaaq Muuse Maxamed Axmed.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ragii falkaasi geestay ay Goobta isaga baxsaden iyagoo watay Gaari yar balse markii dambe kaga tagay mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Cabudwaaq.

Ugu dambeen waxa uu sheegay in haatan Ciidamada Booliiska Maamulka degmada Cabudwaaq ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka ilaalada Goobta raashinka laga qeybinayay iyo dadkii rayidka ahaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media