Diyaaradaha Mareykanka oo Galabta Duqeyn ka fuliyay G/Jubbada Hoose

Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ayaa markale laba Maalin oo xiriir ah waxa ay Galabta duqeyn ka fuliyeen deegaano ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM)  ayaa waxa ay ku sheegeen in duqeyntaas laga fuliyay tuulo u dhow deegaanka Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas uu ku geeriyooday hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kuna sugnaa Goobtii la duqeeyay.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay maqleen Galabta dhawaqa duqeynta balse aysan xaqiijin Karin khasaaraha u geystay dhankoodana ay casbi dareemeen.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump

ayaa waxa kordhay duqeynta uu Mareykanka ka fulinayo Soomaaliya, waxana duqeyntaan ay ku soo aadeysaa xili xalay Saqdii dhexe duqeyn laga fuliyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media