Hooyo Dahabo Macow Maxamuud ayaa nagu soo booqatay Xarunta dhexe ee Dalsan, waxayna naga codsatay inaan Ummadda Muxsiniinta u gudbino Xanuunka haya wiilkeeda, Xuseen Xasan Maxamed.
Wiilkaasi oo 4-jir ah ayaa waxa haya xanuun wax looga qaban waayey Isbitaalladda ku yaalla magaalladda Muqdisho.
Hooyo Dahabo waxay sheegtay inuu Wiilkeeda balarays noqday isagoo dhowr bilood jir ahaa, waxayna sheegtay inuusan awoodi Karin inuu fariisto ama socdo.
Waxay kaloo tilmaamtay inuusan Wiilkeeda ceshan Karin Qoortiisa oo hadba dhinac u liicaysa.
Dhakhaatiirta arkay ilmaheeda waxay muujiyeen inaan Wiilkeeda lagu daaweyn Karin Isbitaalladda ku yaalla gudaha Somalia, loona baahan yahay in dibedda caafimaad loogu qaado.
Hooyo Dahabo Macow oo ka soo jeeda Qoys Sabool ah waxay sheegtay inuusan saygeeda awoodi Karin Kharajka Caafimaadka ee Wiilkooda loogu qaadi lahaa Dalalka dibedda, si loogu soo daaweeyo.
Ugu dambeyntii, waxay DFS, Hay’addaha Samafalka, Ganacsatada  iyo Dadka Muxsiniinta ee Islaamka ah si naxariis leh uga codsatay inay Taageero ka siiyaan sidii Wiilkeeda Daaweyn Dibedda loogu qaadi lahaa.
Haddaba, ciddii doonaysaa inay caawiyaan Hooyadaa dhibaataysan waxay kala soo xiriir karaan Mobaylkeeda oo tirsigiisu yahay 061-5621848
Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Cabdi Naasir Socdaa kana Daawo Sawirrada