Taliyihii hore ee Nabadsugida oo gaaray Magalada Baydhabo
Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Taliyihii hore ee Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen.
Diyaarada siday Taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaliya aya sidoo kale waxaa la shegay inay waday Gawaarida nooca aan xabada Karin,iyada oo ay noqonayaan gawaaridii labaad ee a geeyo Magalada Kismaayo.
Xuseen Cismaan Xuseen taliyihii hore ee Nabadsugida Soomaaliya ayaa ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha koonfur Galbeed,waxaana lagu tirinayaa inuu ka mid yahay musharixiinta ay taagereyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
Arrintaan ayaa ku soo aadeyso xilli dhawaan Magalada Baydhabo uu tegay Wasiirka Tamarta C/casiis Lafta Gareen,isaga oo watay Gaadiidka aan xabada Karin.
Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada sigaar ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federalka Soomaaliya ku eedeynayay in Magalada Baydhabo geysatay musharixin iyo gawaari aan xabada Karin.