Baarayaasha Boliska magaallada Durbin ee dalkaasi ayaa sheegay inay kooxda Daacish ka hawl galaan magaalladdaasi, kadib markii hub iyo waxyaabaha qarxa laga helay mid ka mid guryaha ku yaalla Reservoir Hills.
Dadka la qabtay ayaa la sheegay inay qorsheynayeen inay qaraxyo ka geystaan magaalladaas.
Waxaa kaloo la sheegay inay Eedeysanayaasha dil ka geystaan Masjidka Iimaam Xuseen oo ku yaalla magaallada Durbin iyo inay afduubteen mid ka mid ah Ganacsatada Deegaanka.