Wararka aan ka heleyno Magalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada Ocean Airline loo diiday in ay ka degto Garoonka diyaaradaha Magaaladaas.
Diyaaradaas ayaa waxa ay sidaydawooyin loogu talo galay dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay iyo in sidoo kale ay qaado dhaawacyada qaarkood.
Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Deeqdaas Dawada ah ay dhiibtay Dowladda Federaalka Soomaaliya,balse Diyaaradii siday loo diiday inay ka degto Garoonka diyaaradaha Magalada Laas-Caanood.
Masโuuliyiinta Maamulka degmada Laas-Caanood ee Soomaaliland ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan diidmada Diyaarada Ocean Airline ee dawooyinka u siday Magalada Laas-Caanood .
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhumay ee Gobolka Sool ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Weyn ee ku yaalla Waqooyiga Magalada Gaalkacyo Dowlad Goboleedka Puntland,waxana weli la ogeyn halka ay aaday diyaaradii laga celiyay Garoonka Magalada laas-Caanood.