Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ciidamada dowladda looga baahan yahay inay noqdaan kuwo dadka badbaadiya.
Waxa uu sheegay in Ciidamadu ay yihiin kuwo astaan u ah qaranimada dalka,balse aysan aheyn kuwo dadka dhibaateeya.
Waxa uu Ciidamada uga digay Ra’iisul Wasaaruhu inay noqdaan kuwo dadka Shacabka ah dhibaatooyin u geysta.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli mararka qaar Ciidamada dowladda ay falal isugu jir dil iyo dhaawac u geystaan dadka Shacabka.
Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.