Dadka Deggan magaalladda Sirta ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inay Diyaaradaasi duqeeyeen gaadiid ay Daacish leeyihiin oo marayey meel ku dhow magaalladda Sirta ee Xeebta leh.
Goobjooge ayaa sheegay inay Diyaaradda leedhay mid ka mid ah Dowladaha taageersan Xukuumadda Libya oo ay Xarunteeda dhexe ku taallo Bariga dalkaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ilaaladda Adeegyadda Shidaalka ee Libya, Ali Hassan ayaa sheegay inay iska caabiyeen 3 doonyood oo doonayey inay weeraraan Dekedda Saytuuna ee Shidaalka laga dhoofiyo.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay gubeen mid ka mid ah Doonyahaasi oo la tuhunsan yhaay inay Maleeshiyadda Daacish leeyihiin.   Â
©Radio Dalsan