Shirka Horumarinta Istaraatijiyadda Warbaahinta Somalia oo ka furmay Muqdisho.

Shirkaasi oo socon doona muddo labo maalmood ayaa waxaa ka qeyb galayo Wakiilo ka kala socda Wasaraadda Warfaafinta, Maamul-gobaleedyadda, Ururradda Saxaafadda iyo Ergooyin kale.

Shirkaasi oo ka furmay hotel Aljazeera ee  magaalladda Muqdisho ayaa waxaa lagu dejin doonaa Istaraatijiyadda Warbaahineed ee Somalia ee Shanta sanno ee soo socota, sida uu ka dhawaajiyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka oo saakayto ka hadlay furitaanka Shirkaasi waxa  uu u mahadceliyey Hay’addaha Calaamiga ee IMS/FOJO iyo UNESCO ee taageeradda ka geystay Qabsoomida Shirkaasi.

Shirka maanta ka furmay Muqdisho ayaa lagu lafaguri doonaan Istaraatijiyadda Warbaahinta Somalia ee shanta sanno iyo in la soo bandhigo sharciga saxaafadda dalka ee dhawaan la ansixiyay, isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qalinka ku duugay.

Si kastaba ha ahaatee, Kulanka maanta ka furmay Muqdisho ayaa ah kii Labaad ee looga hadlayo Saxaafadda Qaranka, iyadoo bishii November la qabtay Kulan laga soo saaray Qoddobo muhiim ah.

SHIR 3 SHIR2

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor