Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee Maanta tagaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi la socda ayaa ku sugan deegaanka Dhabbad ee Waqooyiga Galgaduud oo xalay ay ku hoydeen, iyagoona halkaas kulamo kula qaatay Maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Magaalada Caabudwaaq ayaa Maanta waxaa ka socdo diyaar garoow ballaaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug, isla markaana waxaa Waddooyinka lagu dhejiyay Sawiradda Qoorqoor.
Markii uu Caabudwaaq gaaro Qoorqoor ayaa waxaa kulamo la qaadan doonaa Bulshada iyo Maamulka Magaalada, isagoo kala hadli doona baahiyaha ka jira halkaas ee loo baahan yahay in wax la qabto.
Sidoo kale waxaa uu kormeer uu ku tegi doonaa Xarumo ku yaalla Magaalada Caabudwaaq, waana safarkiisii ugu horeeyay ee halkaas uu ku tegayo Qoorqoor tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Galmudug.