Muuse Biixi oo xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaal Gobol iyo kuwo la Magacaabay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay SL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo SL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay Gudoomiyeyaasha Gobolada qaar ka mida,

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd

Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.
  2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
  3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.
  4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
  5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.
  6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media