Magaalada Garoowe ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland ay kaga dhawaaqaan Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Puntland ka socday soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka maamulka Puntland,waxaana Liiska Xildhibaanada uu ka booban yahay 66 Xildhibaan.
Guddiga doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa markii ay shaaciyaan Liiska Xildhibaanada waxa ay soo dooran doonaan Guddoomiyaha cusub ee uu yeelan doono Baarlamaanka maamulka Puntland.
Doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiin badan,waxaana lagu wadaa inay dhacdo Doorashada 8 bisha 1aad ee Sanad cusub ee 2019.