Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in raggaasi lagu dilay Hawlgal ay Ciiddanka Ammaanka ka sameeyeen Xaafadda Al-yaasmiin ee Waqooyiga magaalladda Riyaad.
Raggaasi ayaa la sheegay inay iska caabin muujiyeen, xilli la doonayey in la qabto,, taasi oo keentay in la wada toogto.
Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa sheegay in Labada nin ee lagu dilay Hawlgalkaasi la kala oran jirey : Daayah Saalim Bin Yaslam Al-sayari iyo Talaal Bin Samraan Al-saciidi, waxaana horey loogu eedeeyey qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Sacuudiga.
©Radio Dalsan