Madaxa Midowga Europe ugu qaabilsan Kaalmadda Aadminimo iyo Maareynta Masiibooyinka, Christos Stylianides ayaa ku dhaawaaqay inay EU-da sii daynayso Kaalmo Lacageed oo guud ahaan dhan 28.7 million oo EURO (€28.7 million ) oo loogu talagalay in lagu caaweeyo dalal ay xaalladaha adag ee Aadminimo ka jiraan, kuwaasi oo ku kala yaalla Qaaradaha Afrika iyo Asia.
Waxa uu tilmaamay in Kharajkaasi lagu taageerayo inta badan Baahida Degdegga ee ka jirta dalalka Somalia, Afghanistan, Myanmar, Egypt iyo Libya.
Kharajka ugu badan ee Lacagtaasi waxaa loogu yaboohay) Somalia, iyadoo 10-million oo EURO, (€10 million loo qoondeeyey Taageeradda Samafalka Aadminimo ee Somalia.
QM ayaa wxaay bishii la soo dhaafay codsatay in Gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadka Soomaalida, iyadoo ay boqolaal kun oo qof saamaysay Abaaro, Cunto-yari iyo biyo yari, halka 5 million oo qof o oSomali ah oo u dhiganta in ka badan 40% Tirada Guud ee Dadka Soomaalida aysan helin Cunto ku filan.
Dhinaca kale, Kaalmadda Lacageed ee EU-da ugu deeqeen dalalka ugu daran ee ay abaaraha iyo macluusha ka jiraan waxaa kaloo ka mid ah dalka Afganistan oo helay 8 million oo EURO, Dalka Myanmar oo loogu deeqay 3.9 million oo EURO iyo dalka Masar oo loogu deeqay lacag dhan 3.8 million oo EURO.
Dalka Masar waxaa ku nool in ka badan 190,000 oo Magangelyo-doon Diiwaan-gashan iyo Qaxoot, sida ay sheegtay Hay’adda UNHCR.
Ugu dambeyntii Kaalmadda Lacageed ee ay EU-da siinayo dalalka abaaraha iyo macluusha ka jiraan waxaa ka mid ah dalka Libya oo loogu deeqay 3 million oo EURO.
Golaha Europe waxay Kaalmada Samafalka bixin jireen tan iyo sannadkii 1992-kii, iyadoo ay Kaalmadaasi sannadkiiba ka faa’ideystaan in ka badan 120 million oo qof oo ku nool in ka badan 110-Waddan.
©Radio Dalsan